Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray weerarkii Hotelka SYL iyo Khasaaraha ka dhashay

Ciidamada Booliska DF ayaa war ka soo saaray weerarkii iskugu jiray qaraxyada iyo tooska ee xalay lagu galay Hotel SYL oo ku dhow madaxtooyada Somalia.

Col.Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Cusub ee Booliska ayaa sheegay in qaraxyadii iyo weerarkii Al shabaab  ee xalay ay ku dhinteen 3 askari, halka 27 ruux oo isugu jiray 18  shacab iyo 9 askari ay soo gaareen dhaawacyo.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay in 3 xildhibaan oo ka tirsanaa golaha shacabka ay soo gaareen dhaawacyo fudud sidoo kale masuuliyiin kale ayuu sheegay iney qabaan dhaawacyo yar yar.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aadan qaabkii uu u dhacay weerarkaas  sida qaraxyada iyo ragga hubeysan ay ku gaareen Hotelka aadka loo ilaaliyo ee SYL.

Waxaa uu sheegay in howlgalka lagu soo afjaray weerarkii hotelka SYL lagu dilay shan dagaalyahan oo ka tirsan Al shabaab kuwaasoo ilaa xalay gudaha ugu jiray hotelka.

HOOS KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA

Related posts

Xog:-Ciidamadii diidanaa muddo kororsiga FARMAAJO oo ka hor-yimid in ay ka baxaan Magaalada Muqdisho !!

admin

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Somalia oo goor dhow geeriyooday

Caydiid Ali

Ciidanka Dowladda oo Saakay Weeraray Maxkamadii Al Shabaab saari jireen dadka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---