Allbanaadir.com
NEWS

Dhaawacyada la geeyey Isbitaalka Digfeer & Wasiir ka tirsan DF oo booqday (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa xalay Isbitaalka Ordgan ku booqday Muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay  weerarkii al shabaab ku qaadey Hotelka SYL.

Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada lasoo gaarsiiyey.

Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid mid isagoona xog wareysanayey inta xaaladdooda Caafimaad ay soo hagaageyso ee kari karey in ay hadlaan si uu u hubiyo in ay helleen Daryeel Caafimaad oo ku filan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa  dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalana sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si dhow ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaaninta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madaxweyne Trump oo hanjabaad culus hawada u mariyay wadamada BRICS

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo kulmay Wafdi ka socday Dowladaha Itoobiya iyo Kenya

Cabdi Cade

Natiijada sahan laga sameeyey Muqdisho oo la soo bandhigay, Masuul afka furtay & Warar kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---