Allbanaadir.com
NEWS

Dabley ka tirsan Al shabaab oo xalay ku hoyday hotelka SYL & howlgal weli socda

Dagaalyahanno ka tirsan kooxda al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday hotelka SYLK oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku waaberiistay gudaha hotelka

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo weriyay qaraxyo iyo rasaas laga maqlayey xalay illaa saaka nawaaxiga hoteelka, iyagoo wakaaladda wararka ee Reuters ay sheegtay in dagaalyahannadu ay weli gudaha ku jiraan.

Weerarka weli waa uu socdaa, ilaa iyo haatan si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay mana jirto xog kasoo baxday dowladda Soomaaliya.

“Mujaahidiinta hubeysan ayaa gacanta ku haya hoteelka waxayna tooganayaan shaqaalaha iyo saraakiisha” dowladda ee hotelka, ayay al-Shabab ku yiraahdeen war ay soo saareen.

Faarax Cali, oo ka mid ah dadka ku nool agagaarka xafiiska madaxweynaha ayaa Reuters u sheegay: “Waxaan marka hore maqalnay qarax weyn, kadibna rasaas ayaa xigtay. Waxaan u maleyneynaa in dagaal-yahannadu ay gudaha ku jiraan [hoteelka] waxaanan maqleynaa rasaas la is dhaafsanayo.”

“Dagaalyahano aan tiradooda la ogeyn ayaa xoog ku galay dhismaha kadib markii ay soo jiireen ayna qarax xooggan ku burburiyeen derbiga,” ayuu yiri sarkaal waaxaha ammaanka ka tirsan.

Saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan DF ayaa la xaqiijiyey iney ku dhaawacmeen weerarkan kuwaasoo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaa ka mid ah agaasimaha warfaafinta xafiiska RW Farxaan Maxamed Jimcale iyo taliyaha ciidanka gaarka ah ee Haramcad Cabdixamiid Fanax iyo xubno kale.

Ciidamada DF ayaa wada howlgal aan weli lagu guuleysan oo ay ku soo afjarayaan weerarkan waxaana weli xiran aaga hotelka SYL oo ciidamada amaanku ay isku gedaameen.

Related posts

Weerar Khasaaro geestay oo toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Paris

Cabdi Cade

Ciidamada Ukraine oo gubay markab gaadiid milateri u waday Ruushka (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Dowlada Somalia oo labo qodob oo xasaasi ah kala hadashay Shiinaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---