Dowlada Sacuudiga ayaa dhawaan qirtay in la dilay Wariye Jamal Khashoggi oo mucaarad ku ahaa Boqortooyada, waxaana qaabka ay Sacuudiga u dhigeen dilka Wariyaha uu noqday mid aan lagu qancin.
Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan iyo Wiilkiisa Dhaxa sugaha Maxamed Bin Salman ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wariye Jamal Khasoggi oo ku baxay gacanta xubno katirsan Sirdoonka Sacuudiga.
Wakaalada Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed Bin Salman ay taleefoon kula hadleen wiilka uu dhalay Jamaal Khashoqji oo lagu magacaabo Saalax,waxa ayna uga tacsiyadeeyeen geerida aabihiis.
Shinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Caadil Al-Jubeyr ayaa sheegay dilka loo geestay Wariye Jamal Khasoggi uu ahaa qalad weyn uu dhacay, waxa uuna beeniyay in Dhaxa sugaha uu wax lug ah ku lahaa dilkaasi.
“Shakhsiyaadka arrintan sameeyay waxay isticmaaleen awood aysan lahayn,axaa naga go’an inaan soo saarno dhammaan xaqiiqooyinka waxaana naga go’an inaan ciqaabno kuwii mas’uulka ka ahaa dilkaas”, ayuu yiri Caadil Al Jubeyr.
Caalamka ayaan wali ku qancin habka ay dowlada Sacuudiga u dhigtay geerida Wariye Jamal Khasoggi, waxaana dowlada Sacuudiga heesta cadaadis xoogan oo caalamka uga imaanaya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com