Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil, askar & Masuuliyiin ku dhaawacmay weerarka ka socda hotelka SYL

Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka dowlada Somalia iyo masuuliyiin kale iyo askar ayaa la soo sheegaya iney ku dhaawacmeen weerar iskugu jira qaraxyo iyo mid toos ah oo ka socda hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Dabley ka tirsan Al shabaab ayaa gudaha hotelka ka wada tooogasho, iyadoo intii uu weerarku socday ay ka dhaceen gudaha iyo banaanka hotelka qaraxyo waaweyn.

Taliyaha Booliska gaarka ah ee Haramcad, Cabdixamiid Fanax ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarkaas, waxaana dhaawaciisa la geeyey isbitaalka Digfeer sida wararku  nagu soo gaarayaan

Dadka ku dhaawacmay weerarka ka socda SYL Hotel waxaa sidoo kale ka mid ah xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale, iyadoo hotelka ay weli jiraan masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay mid ka mid ah afhayeenada Dowlada Somalia.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa gudaha iyo agagaarka hotelka SYL xaalada goobtaasna weli waa mid cakiran, waxaana socda howlgal ay wadaan ciidamada amaanka oo lagu soo afjarayo weerarka.

La soco wixii ku soo kordha

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal culus oo ka socda Khartuum iyo Xabbad joojintii oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar oo Wadahadalkii ugu horeeyay yeeshay

Cabdi Cade

Somtel iyo Djibouti Telecom oo ku shuraakoobay Fibre Optic Xawaare sare leh oo Xiriirinaya dalalka Geeska Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---