Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Qarax labaad oo ka dhacay aaga hotelka SYL iyo Wararkii u dambeeyey

Qarax labaad ayaa goor dhow ka dhacay aaga hotelka SYL oo ku yaalla Xeyndaabka xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo rasaas goos goos ah halkaas laga maqlayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gudaha Hotelka ay dhex dagaalamayaan rag hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab.

Ciidamada ammaanka DF ayaa xiray aaga Hotelka SYL iyo nawaaxiga xarunta Madaxtooyada Somalia oo amaankeeda la xoojiyey.

Weli ma cadda sida rasmiga ah ee uu weerarkaas u dhacay iyadoo dad badan ay isweydiinayaan sida Hotelka SYL oo dhinacyadiisa ay yaallaan Koontaroolo adag Xitaa qof caadi ah oo aan ID wadan mari karin, sida qarax iyo rag hubeysan ku tageen, iyadoo ilaalada hubeysan xilliyada qaar laga reebo baabuurta madaxda.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan oo  noqonaya kii ugu weynaa ee mudooyinkan ka dhaca Muqdisho, isagoo ku soo beegmay xili la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan oo inta badan looga bartay kooxdan iney xoojiso weerarada.

 

Related posts

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo lagu qasbay in uu raali galin bixiyo

Cabdi Cade

Xilka Ka Qaadista Wasiirka Arrimaha Dibedda Ma Saameyn Doontaa Dib u Doorashada Farmaajo?

Cabdi Cade

DF oo go’aan ka soo saartay banaanbaxa ay Mucaaradku ku baaqeen Jimcaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---