Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray Hotel SYL iyo rag hubeysan oo galay

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow abaare 9:40pm fiidnimo ka dhacay Hotelka SYL oo ku kaabiga ku haya xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Hotelka ayaa waxaa degan Wasiiro xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Somalia.

Qaraxa ayey wararku sheegayaan inuu geystay qof waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo gaaray afaafka hore ee hotelka.

Qaraxa ka dib rag hubeysan oo ka tirsan Al shabaab kuwaasoo ka soo degay gaari ku sugnaa meel aan ka fogeyn aagaas ayaa la sheegay galeen hotelka gudihiisa halkaasoo ay ku dagaalamayaan iyaga iyo ciidamada amaanka lama oga illaa hadda khasaaraha waxaana aaga hotelka laga maqlayaa rasaas xoogan.

Xildhibaano ku sugnaa hotelka qaarkood ayaa sheegay in qaraxa ka dib ay kala carareen kana soo boodeen darniga ku wareegsan hotelka, iyagoo xusay iney haatan bad qabaan.

La soco wixii soo kordha

Related posts

Baabuur waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo ku qarxay meel ku dhaw Beerta Nabada ee degmada Waabari !!

Cabdi Cade

Bam lagu weeraray hoyga gudoomiyaha degmo ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Gaadiid Qaraxo waday oo kusoo wajahnaa Muqdisho oo la bur buriyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---