Allbanaadir.com
NEWS

Cabdi Maxamuud Cumar oo lix sano ka dib laga sii daayey xabsi ku yaalla Addis ababa

Madaxweynihii hore ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu soo warramayaa in xabsigii uu ku xirnaa ee magaalada Addis Ababa laga sii daayay caawa

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu sii daayey cafis uu u fidiyey Raisal Wasaare Abiye Axmed.

Madaxweynihi hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xabsiga loo taxaabay bishii August 2018-ka.

Ciidamada amniga ee dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa Cabdi Maxamuud Cumar ka kaxeeyey gurigiisa oo ku yaallay magaalada Addis Ababa. Baarlamaanka deegaanka Soomaalidana waxay Cabdi Maxamuud Cumar xasaanaddi ka qaadeen 26-kii August 2018-kii.

Qareenkiisa Iskendir Gezhne ayaa sheegay in la sii daayey kadib markii dacwad oogaha guud uu ka noqoday dhammaan waxyaabahii uu ku eedaysnaa.

Sii deyntiisa ayaa ku soo aadeysa lix sanno kadib markii xabsiga la dhigay, waqtigii uu talada dalkaas la wareegay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xilligaas cusbaa.

Waxyaabaha ay horay dacwado oogayaashu ugu soo eedeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa ka mid ahaa in uu ku lug lahaa abaabul dhallinyrada ‘Heego’ – oo sida la sheegay dhibaato markaas ka abuurayay deegaanka.

Waxaa lagusoo oogay inuu masuul ka ahaa dhimashada 59 qof oo la dilay iyo 250 kale oo ku dhaawacmay xarumo dowladeed iyo kuwo diimeed oo la burburiyay, waxaana sidoo kale lagu eedeeyey gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka ka dhacay degaanka mudadii uu xilka hayey gaar ahaan xabsiga Jeel Ogaadeen.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ahaa madaxweynahii Dowladda Deegaanka Soomaalida 2010-2018, isagoo horey inta uusan noqonin madaxweynahana u ahaa Hoggaanka Nabadgelyada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo si kulul uga hadlay qaraxii Istanbul iyo baaritaan bilowday

Caydiid Ali

Dilal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xiisad dagaal oo ka taagan degaano ka tirsan Sool iyo Somaliland oo ciidamo..

Caydiid Ali