Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo kulan deg deg ah la qaatay taliyeyaasha Xoogga dalka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan dardargelinta howlgallada xoreynta dalka waxa uu kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saraakiisha hoggaaminaya howlgallada,Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey naf-hurnimada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaannada ay Al shabaab kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in si adag la isugula xisaabtamayo arrimaha la xiriira dagaalkan, maadaama uu aasaas u yahay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

“Mar walba cadowga waa la jabiyaa. Markaan waxaan rabnaa in aysan dib u soo laaban khawaarijta deegaannnada lagu jabiyo, waxaan dooneynaa in cadowga goobaha laga saaro la hubiyo si aysan dib ugu soo noqon”. ayuu yiri madaxweynaha

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka argagixisada, dadaalladdii looga miro dhalin lahaana ay bud dhig u yihiin hoggaan wanaagga Saraakiisha hormuudka u ah howlgallada, waxaana uu sheegay in iskaashiga iyo la shaqeynta shacabka ay door weyn ka qaadaneyso dagaalka dalka lagu xoreynayo iyo sugida amniga caasimada iyo degaanada ku hareeraysan.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili ay soo baxayeen maalmahan dambe in ciidamada xoogga dalka ay ka soo baxeen degaano ka tirsan gobolada dhexe oo nafaf badan lagu waayey ka dib habacsanaan ku timid saraakiisha ciidamada, waxaana goobihii laga soo baxay qaarkood dib ula wareegay Al shabaab.

Related posts

Xildhibaan Yuusuf Xuseen oo lagu afduubtay Nairobi iyo bannaanbax lagu…

Cabdi Cade

DEG DEG: Raisul Wasaare Xamse oo Wasiiro cusub Magacaabay

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Adenkule J.M.King iyo wafdi uu hoggaaminayay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---