Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne hore oo baaq deg deg ah kasoo saaray dagaalka ka socda Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiran waxaa xalay ka qarxay dagaal dhiig ku daatay oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamulada Hirshabelle iyo Hiiraan State oo isku heesta maamulka magaalada.

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka qarxay magaalada Baladweyne, waxa uuna ka codsaday  dhinacyada dagaallamaya in nabadda ka shaqeeyaan oo ay joojiyaan hurinta colaada.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qaataan doorkooda nabadeynta dhinacyada dagaallamaya lagana shaqeeyo in dagaal dambe uusan ka dhicin magaalada Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Itoobiya oo Jawaab ka bixisay hadal dhawaan kasoo yeeray dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Waddooyinka Baledweyne oo saakay xiran iyo Meydad la layahay meel la marsiiyo

Cabdi Cade

Shir u furmi lahaa DF & Midowga Afrika oo baaqday ka dib khilaaf soo shaac baxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---