Allbanaadir.com
NEWS

Cali Jeyte oo ka hadlay Dagaalka ka qarxay Baladweyne iyo cidda masuulka ka ah

Waxaa xalay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamo daacad u ah maamulka Hirshabelle iyo ciidamo kale oo taabacsan maamulka Hiiraan State ka qarxay magaalada Baladweyne, dagaalka ayaana dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddomiyihii hore ee gobolka Hiiraan haddana ah u qeybsanaha madaxweynaha Soomaaliya ee ciidamada macawuusleyda Cali Jeyte Cusmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa dagaalka ku eedeeyay in masuul ka yihiin maamulka Hirshabelle.

Cali Jeyte ayaa sheegay in ciidamo laga soo abaabulay kana yimid magaalada Jowhar weerar kusoo qaadeen magaalada Baladweyne, waxa uuna xusay in dagaalka dhaliyay khasaarooyin dhimasho ,dhaawac iyo kuwa hantiyadeed.

Waxa uu sheegay Cali Jeyte in rasaasta lagu ridayo magaalada Baladweyne laguna weeraray in ay tahay tii dowladda Soomaaliya laheyd, isagoona tilmaamay in ay la’yihiin rasaas ay Al Shabaab kula dagaallamaan , tii dowladdana Baladweyne lagu ridayo.

Guddoomiye hore Cali Jeyte ayaana sheegay in heshiiskii ay horey ula galeen Maxaas  madaxweyne Xasan Sheekh dhankooda ilaaliyeen , balse dhinaca kale ay ka baxeen, isagoona caddeeeyay in ballantii ay dhowreen dhinaca kale jabiyeen .

Hadalkan kasoo yeeray guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya xilli dagaal saacado badan qaatay uu ka socdo magaalada Baladweyne, kaa oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Hirshabelle iyo Hiiraab State.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Benjamin Netanyahu oo farriin hanjabaad ah diray kaddib hadalkii Madaxweyne Biden

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo tagay xarunta Hay’adda Tamarta Atomicada ee Vienna (Sawiiro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray RW Rooble & taliska Booliska?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---