Golaha wasiiradda ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka xogta rasmiga ah iyo Heshiis u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku saabsan ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo ka hortagga la-baxsashada canshuuraha.
Golaha ayaa joojiyey shirarka khuseeya Hey’adaha Dowladda ee lagu qabto meel ka baxsan dalka, maadaama uu dalkeenu soo kabtay amni ahaan iyo horumar ahaanba, isla markaana aysan jirin baahi keenaysa in dalal shisheeye lagu qabto shirarka looga hadlaayo Soomaaliya, kadib soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka, iyada oo goluhu xusay mudnaanta ay leedahay in ay si dhow u wada shaqeeyaan hey’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago dhagaraha cadowga xilligaan lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Golaha Wasiiradda shirkooda maanta ayaana looga hadlin ka bixitaanka ciidanka dowladda Soomaaliya deegaanno katirsan gobolka koonfurta gobolka Bari , deegaannadaasi oo ay dib ula wareegeen kooxda Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com