Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.
Golahan cusub ee warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed yeelanayo ayaa waxaa ka kooban yihiin wariyaal Soomaaliyeed oo caan ah kana soo shaqeeyay warbaahinno kala duwan, waxa ayna xubnahan noqon doonaan golaha cusub ee warbaahinta Qaranka.
Xubanaha guddiga oo ay golaha u soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa kala ah;
1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto)
2. Maxamed Shiil Xasan Shiil
3. Muna Cumar Xasan
4. Yuusuf Xasan Mursal.
5. Axmed Maxamed Cabdi
6. Maxamed Cabdullaahi Kooshin
7. Hinda Daahir Jaamac
8. Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan
9. Fatuma Yuusuf Saciid
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com