Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Racfaanka oo xukunno kala duwan ku riday Masuuliyiin katirsan dowladda

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ka soo saartay laba dacwadood oo ka dhan ah mas’uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhaxe, iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Maxkamadda ayaa dacwada 1-aad ka yeelatay 8-fadhi oo la dhageestay eedeymaha iyo is difaacida masuuliyiinta loo heestay dambiyada la xariira musuq maasuqa ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday xukunka oo noqday sida tan:

Makamadda ayaa ku xukuntay eedeysanayaasha kala ah Cumar Macallin Nuur & Cabdullaahi Maxmuud Cusuble min hal sanno oo xarrig ah, halka Saabir Xasan Cabdinuur lagu riday xukun labo sanno & 6 bilood oo Xarrig ah,maxkamadda ayaana  Aadan Maxamed Cabdi ku weysay dhammaan eedeymihii loo jeediyay.

Dhanka kale, Maxkamadda ayaa dacwada 2-aad oo ay ka yeelatay 7-fadhi xukun ku soo oogtay 3 eedeysane oo lagu tuhmay lacag dhaqis & maalgelinta agagaxisada, kuwaas oo kala ah Abuukar Maxamed Cali oo lagu xukumay 6-sanno oo xarrig ah, Maxamed Aadan Cabdullahi oo xarrig hal sanno ah lagu xukumay, iyo Cabdiqaadir Cabdi Socdaal oo lagu waayay dhammaan eedeymaha loo jeediyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlgalka ATMIS oo war kasoo saaray wiil dhallinyaro ah oo Ciidankooda ku dileen Ceelasha Biyaha

Cabdi Cade

Villa Soomaaliya oo shuruudo adag ku xirtay Wadahadal Dowladda la gasho Al Shabaab

Cabdi Cade

Ninkii Ajnabiga ahaa ee ka Dambeeyay Dilka Dahabo Cumar oo Maxkamad lasoo taagay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---