Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo “Qof walba tuuladiisa ayuu ku laaban doonaa haddii aan la joojinin..” (Daawo)

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si cad uga hor yimid qorshaha wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka dalka ee uu wado baarlamanka Somalia.

Farmaajo oo muuqaal uu arimahaas kaga hadlayey soo dhigay baraha bulshada ayaa saheegay hadii laga laaban waayo wax ka bedelka dastuurka oo qof walba ku laaban doono tuuladiisa, dowladnimaduna ay hallkaas ku burbureyso.

“Dalka weli wuxuu ku jiraa Chapter 7, haddii aan annaga is qaban weyno, waxaa qasab ah in beesha caalamka garba-duub noo qabato waa haddii dan nagala leeyahay, haddii aan dan nagala laheyn oo nala sii daayo, dee qof walba tuuladiisa iyo xoolihiisa ayuu iska raacanayaa, Qaranimadana uu halkaas ayay nooga burbureysaa”

HOOS KA DAAWO HADALKA FARMAAJO

Related posts

Dal caan ah oo bilaabay xeelad yaab leh oo lagu ogaanayo dadka qaba COVID-19

Caydiid Ali

(Sawirro) Saddex ka mid ah dalalka carabta oo lagu arkay Cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Qorshe Xilka looga qaadayo Taliyaasha Ciidamada Milatariga ,Booliiska & NISA oo la diyaariyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---