Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamanka Somalia oo dood kulul ka yeeshay cutubka 4-aad ee Dastuurka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay ku-xigeennada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad JFS.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa sii wadista ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah madaxa koowaad mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Doodda cutubka afaraad gaar ahaan madaxyada koowaad iyo labaad oo la gudo galay maalintoodii labaad, ayaa qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo Sanatarrada si la mid ah mudanayaashii kulankii hore waxa ay doodo adag iyo su’aalo geliyeen qodobbada maanta la horkeenay ka doodistooda, halka kuwo kalana  ay ku boggaadiyeen guddiyada dastuurka sida ay u soo qaabeeyeen qodobada dastuurka iyo faqradaha cusub oo ay ku soo kordhiyeen.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo soo xiray gunaanadka kulanka ayaa waxa uu sheegay dooda cutubkan afaraad ay sii socon doonto maadaama uu aad u balaaran yahay.

Related posts

Ciidamada dowlada oo degaano cusub la wareegay, kaabigana ku haya degmada..

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo galabta meel fagaare ah ku toogatay nabadoon 93 jir ahaa

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in dalka Galiyay Marxalad aan horey loo arag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---