Allbanaadir.com
NEWS

Mid ka mid ah Engineerada Markabkii la qafaashay oo cafis ka dalbaday Hooyadiisa

Eng. Md. Towfiiqul Islaam oo ah Engineerka labaad ee markabka xamuulka ee Bangladesh ee MV Abdullah ayaa la hadlay hooyadiisa iyo xaaskiisa, isagoo u sheegay inay qafaasheen burcad-baddeed Soomaali ah , xilli ay marayeen Badweynta Hindiya.

Hooyada Engineerkaasi oo lagu magacaabo Dil Afroza ayaa sheegtay inuu wiilkeeda la soo hadlay shalay galab oo Talaado ahayd, una sheegay inay Burcad-baddeed qafaasheen, isaga iyo Badmaaxiinta reer Bangladesh ee la socday Markabka xamuulka ee MV Abdullah.

Hooyada oo la hadashay warbaahinta maxaliga ee dalkaasi waxay sheegtay in hadalkii ugu dambeeyey ee wiilkeeda Towfiiqul Islaam ahaa “Hooyo, I Cafi !!!?”. Hooyada waxay xustay iyadoo wiilkeeda la hadlayo ay Burcad-baddeedii ka qaadeen telefoon-gacmeedkiisa, kadibna la damiyey.

Waxay xustay inaysan awoodi karin inay wiilkeeda Towfiiqul Islam la xiriirto iyo inaysan ogeyn xaalladda uu ku sugan yahay.

Dhanka kale, Jobaida Noma oo ah xaaska Eng. Towfiiqul Islam ayaa sheegtay inuu saygeeda la soo hadlay 5-tii galabnimo ee shalay oo Talaado ahayd, una sheegay in isaga iyo dhammaan Badmaaxiinta afduub ahaan loogu haysto xeebaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Shirkaadda lagu magacaabo Kabir Steel Re-Rolling Mills oo leh Markabka xamuulka ee MV Abdullah ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo lagu samata-bixinayo 23-ka Badmaax iyo Markabka lagu qafaashay Badweynta Hindiya, gaar ahaan Xeebaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo ka hadlay Ergayga Madaxweyne Xasan usoo Magacaabay Wadahadalada Somaliland

Cabdi Cade

Sargaal ciidan iyo dad kale oo maanta lagu dilay Muqdisho iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Cabdi Cade

Mareykanka oo Somalia u soo Magacaabay Safiir cusub oo ka awood badan kuwii hore

Caydiid Ali
Taboola Ads ---