Allbanaadir.com
NEWS

Nin sannad kahor dil geestay si weyna loo raadinayay oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada booliiska maamulka Puntland oo gacan ka helayay ciidamada maamulka Galmudug ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigay nin sannadkii hore deegaan hoostaga degmada Galdogob dil ka geestay.

Ninka dilka geestay oo lagu magacaabo Cabduldeeq Khaliif ayaa laga soo qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halkaas oo la sheegay in uu ku dhuumaaleesanayay muddooyinkii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa uga mahadceliyay laamaha ammaanka maamulka Galmudug gaar ahaan tan degmada Caabudwaaq oo gacan ka geestay soo qabashada gacankudhiiglaha.

”Waxaan u mahadcelinayaa Allaha noo fududeeyay soo qabashada eedaysanaha anoo ku hadlaya guud ahaan afka Gobolka Maamul, ciidan iyo shacaba, waxaan marka labaad u mahadcelinayaa maamulka iyo ciidamada booliska ee Galmudug gaar ahaan taliyaha qaybta booliska ee Galgaduud Farxaan iyo maamulka iyo booliska dagmada Caabudwaaq oo naga caawiyay soo qabashada eedaysane Cabdul Deeq khaliif oo ku eedaysan dilka Xasan Nuur Cabdi oo bishii juun 2023 ku dilay degsiimada Xero jaalle ka tirsan degmada Goldogob Gobolka Mudug” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug.

Feysal Sheekh Cali ayaa sheegay in soo qabashada ninka dilka geestay ay ku timid iskaashi dhax maray laamaha ammaanka Puntland iyo Galmudug, waxa uuna xusay in ninkan in muddo ah ku dhuumanayay deegaanno katirsan Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad xabsi kaga baxsaday dayuurad Helicobter ah oo la soo qabtay

Caydiid Ali

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Marka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

UNICEF: Gaajo iyo cudur ayaa cirka isku shareeri doona haddii Rafah la weeraro

Caydiid Ali