Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub oo eedeyn kulul u jeediyay Maamulka Israa’iil xilli ay dad badan dhimanayaan

Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay maamulka Israa’iil in ay gaajo u dilayaan shacabka aan hubeysneen ee Falastiin, xilli ay kasii dareyso xaalada nololeed ay ku sugan yihiin kumanaan katirsan shacabka Falastiin.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa ku eedeeyey maamulka Israa’iil in ay gaajo u dileyso dadka reer Qasa ee xabadda ciidamada Yahuuda Israa’iil ka bedbaaday,

Josep Borrell  ayaa cunaqabateynta lagu hayo maalaayiinta qof ee reer Qasa ku tabaaleysan ku tilmamay gaajo hubeysan, waxa uuna sheegay dadka ka bad baaday rasaasta Israa’iil halis ugu jiraan in ay u dhintaan baahi.

Madaxa Siyaasada ee arrimaha Dibadda Midowga Yurub Mr. Borrell ayaa tillaabada la isku hortaagey in gargaar bini’aadamnimo la gaarsiiyo dadka macluulaya ee reer Qaza ku tilmaamay masiibo “dad- ay gacantooda ku sameeyeen”.

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Banjamin Netanyahu, ayaa dhagaha ka fureeesanaya baaqyada caalamiga ah ee ka dhanka ah dadka hubka iyo baahiyaha loo dilayo, waxa uuna Netanyahu wali ku hanjabayaa in weeraro ka geesto magaalada Rafah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shariif Xasan iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray degmada Baraawe (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan Shukri Saalax oo saakay geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay geeridiisa

Cabdi Cade

Isra’il oo dhiseysa Deegaan cusub oo loogu magac daray Trump (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade