Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Markabkii ay afduubteen Burcad badeeda Soomaalida (Sawirro)

Ilo-wareedyo ka tirsan Shirkadda SR Shipping ee leh Markabkii Xamuulka ee MV Abdullah ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo lagu soo badbaadinayo Badmaaxiinta la socotay Markabkaasi, isla markaana ay la xiriireen Diblomaasiyiin iyo Isbahaysiyo ay Maraakiib Dagaal ka joogaan Xeebaha dalka Somalia.

Burcad-baddeed Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay Labaatameeyo ayaa waxay afduubka Markabkaasi u adeegsadeen Labo Dooni oo mid ka mid ahayd Dooni Kalluumeysi laga lahaa dalka Iran oo ay labo bilood ka hor qafaasheen

23 Badmaax oo u dhashay dalka Bangladesh ayaa la soo weriyey inay la socdaan Markabka Xamuulka ee MV Abdullah, kaasi oo shalay oo Talaado ahayd laga qafaashay meel 600 nautical miles ka baxsan Xeebaha magaalladda Muqdisho.

Markabkaasi oo 55,000 oo Tan oo Dhuxul ah ka soo qaaday Dekedda ku taalla Caasimada dalka Mozambique ee Maputo ayaa waxa uu ku sii jeeday Deked ku taalla dalka Imaaraadka Carabta.

Mohamed Maksud Alam oo ah Agaasimaha Guud ee Waaxda Maraakiibta ee Shirkadda SR Shipping ee leh markabka la qafaashay ayaa sheegay inay socdaan Xiriiro, si loo xaqiijiyo Ammaanka Badmaaxiinta la socotay Markabkaasi iyo inah si Nabad ah u soo laabtaan.

“Waxaan weli Rajo Buuxda ka qabnaa inaysan waxyeelo qabin Badmaaxiinta, iyadoo Burcad-baddeeda Soomaalida dhaqan u lahayn inay waxyeeleeyaan Shaqaalaha la socda Maraakiibta ay afduubtaan, balse uu Hadafka keliya ee Burcad-baddeeda yahay in loo xaqiijiyo Helitaanka Lacagaha Madax-Furashada” ayuu yiri Agaasimaha u hadlay Shirkada SR Shipping company.

Dhanka kale, mid ka mid ah Badmaaxiinta la socotay Markabkaasi oo Fariin Qeylo-dhaan ka soo dhex diray Suuliga Markabka ayaa sheegay in dabley 7 ilaa 8 qof oo ku hubaysan Qoryaha Fudud ay gudaha u soo galeen Markabka, lana wareegeen Hoggaaminta Markabka oo u muuqda inuu u jiheysanayo qeybo ka tirsan Xeebaha Somalia.

Si kastaba, Markabka shalay laga qafaashay Xeebaha Somalia waa markabkii labaad oo ay Shirkadda SR Shipping company leedahay, iyadoo bishii December ee sanadkii 2010-kii ay Burcad-baddeed Soomaali ah qafaasheen Markab Xamuul oo lagu magacaabi jirey MV Jahan Moni oo ay isla Shirkadda SR Shipping leedaha

Markabkaasi oo ay la socdeen 26 Badmaax iyo Xaaska Kabtanka Markabka ayaa waxaa afduub ahaan loo haystay 100 maalmood, ka hor inta aan lagu sii daynin Lacago Madax Furasho la siiyey Burcad-baddeedii afduubatay.

W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Muuse Biixi ka hor yimid qodobadii Mareykanku hor dhigay?

Caydiid Ali

Qarax gaari oo goor dhow Muqdisho ka dhacay & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Qarax Khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay magaalada Mandheera ee dalka Kenya

Cabdi Cade