Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi Caan ah oo la mamnuucay in lagu soo booqdo Xabsi weyn uu ku xiran yahay

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan oo ku xiran xabsi si weyn loo ilaalo oo kuyaalla magaalo yar oo ku dhegan caasimadda Islamabad ayaa muddo labo isbuuc ah la mamnuucay in lasoo booqdo oo lala shiro.

Maamulka xabsiga uu ku xuran yahay Imran Khan ayaa shalay oo Talaado aheyd ku dhawaaqay in la mamnuucay in xabsiga lagu soo booqdo Imran Khan muddo labo todobaad ah,  iyaga oona mamnuucidaasi sabab uga dhigady digniino amni oo lasoo saaray.

Ku-simaha guddoomiyaha xisbiga PTI. Gohar Ali ayaa si kulul u cambaareeyay mamnuucida booqashada Imran Khan uu ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah meesha looga saaro go’aankan mamnuucida booqashada ah.

“Markii aynu saaka nimid xabsiga, si aan kulan caadi ula yeelanno Mr Khan si waafaqsan awaamiirta Maxkamadda Sare, si lama filaan ah, ayaa nalooga hor istaagay inaan aragno, waxaana naloo sheegay inay jiraan xayiraado la saaray shirarka noocan oo kale ah muddo laba toddobaad ah.” ayuu yiri Ku-simaha guddoomiyaha xisbiga PTI. Gohar Ali.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan ayaa lagu riday xukun xabsi ah, kaddib markii lagu helay dambiyo dhowr ah oo lagu eedeeyay, waxa uuan Imran beeniyay dambiyada lagu soo eedeeyay uu ku tilmaamay kuwa siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dugsiga Amiin Quran Online oo Fursad qaaliya u haya Qurbajoogta Soomaaliyeed iyo Carruurtooda

Cabdi Cade

Xildhibaan Runta u sheegay Xaaf ” Hadii han siyaasadeed kaaga jiro Galmudug tartanka soo gal”

Cabdi Cade

Puntland oo ka xumaatay qoraalkii ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Somalia

Caydiid Ali