Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Musharax ay Taageereyso dowlada federaalka oo ka degay Baydhabo (Daawo Sawirro)

Wasiirka Tamarta ee dowlada federaalka C/casiis Lafta Gareen ayaa maanta ka degay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay halkaasoo lagu soo dhoweeyey.

Lafta-gareen ayaa la filayaa inuu iska casilo xilka wasiir ee uu ka haayo dowlada dhexe, uuna ku dhawaaqo inuu yahay musharax u taagan doorashada madaxweynaha Koonfur galbeed.

Sidii kale, Lafta-gareen ayaa weyn doona kursiga xildhibaanimo ee baarlamanka Somalia.

War lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in musharaxa C/casiis Lafta-gareen ay taageereyso dowlada federaalka si uu loolan adag ula galo Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo mar kale xilkaas u tartamaya.

Magaalada Baydhabo ayaa la ciirciireysa musharaxiintii ugu badnaa ee isku soo taagay doorashada hogaanka maamulka koonfur galbneed oo halkaas ka dhici doonta sida la filayo bisha soo socota ee Novembar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo Fariin adag u diray Jabhada TPLF ee qabsatay magaalooyin cusub

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy oo soo gaaray Muqdisho si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Afar ruux oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---