Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo caawa la casheeyay Ciidamo Dhoolo-tus kasoo qeyb galay (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan casho ah kula qaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed .

Ciidankan madaxweyne Xasan Sheekh caawa kulanka cashada ah la qaatay ayaa dhawaan kasoo qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare ee ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen Qarankooda, isagoona ku ammaanay sida xirfada iyo kartida laheyd ay uga qeyb galeen dhoolo-tuska

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay ciidankan in ay u dhaqaaqaan waajibka qarannimo ee ka saaran xoreynta dalka oo ay qeybtooda ka qaataan dardargalinta hawlgallada ciribtirka Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska DF oo xiray nin buriyey nidaamka canshuurta Iibka

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo eedeyn kulul u jeediyay Maamulka Israa’iil xilli ay dad badan dhimanayaan

Cabdi Cade

Maxaa ka soo kordhay xiisadii dagaal ee u dhexeysay dalalka Israel iyo Iran?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---