Allbanaadir.com
NEWS

Galmudug oo ku dhawaaqday Howlgal cusub oo ka dhan ah Al Shabaab xilli ciidanka ay…

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid oo Shir gudomiyay shir deg deg ah oo looga hadlayay amniga Galmudug, waxaana shirkan  Warbixino kala duwan ka dhagaystay saraakiisha kala duwan hay’addaha amniga Galmudug iyo ATMIS.

Shirka ayaa intii uu socday looga hadlay dardar-galinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ka socda deegaanno iyo degmooyin katirsan Galmudug iyo sare u qaadida amniga magaaloyinka Galmudug.

Cali Ciid  ayaa saraakiisha iyo ciidamada uga mahadceliyey dadaalkooda naf hurnimada leh ee ay ugu jiraan bad-baadinta nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed, waxaana u faray u diyaar garoobaan howlgalo baaxad weyn oo ka bilaabanaya Galmudug.

Shirkan ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kasoo baxeen deegaanada Caad, Camaara iyo Bacaadweyn oo horey Al Shabaab looga saaray dagaallo dhiig badan ku daateen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada ATMIS/AMISOM oo Jen. Biixi ku wareejiyey hub kala duwan (Sawirro)

Caydiid Ali

Xamaas oo soo saartay go’aan wadnaha gooyey Israel

Caydiid Ali

Weerarada Xuutiyiinta oo laf dhuun gashay ku noqday Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---