Allbanaadir.com
NEWS

Dal Yurub kuyaalla oo maxkamadeenaya nin adeer u ah madaxweynaha dalka Syria

Dalka Switzerland ayaa lagu wadaa in maxkamad lagu saaro Rifaat al-Assad oo adeer u ah madaxweynaha dalka Syria Bishaar Al Asad, waxaana ninkan lagu heestaa dambiyo dagaal oo sannado badan kahor ka dhacay dalka Syria.

Rifaat al-Assad oo la dhashay madaxweynihii hore ee dalka Syria Xafid Al-asad ayaa lagu eedeyay in uu qeyb ku lahaa dagaalo ka dhacay dalka Syria xilligaasi oo xukunka dalkaasi uu hayay walaalkiis.

Xeer ilaaliyaha guud ee Switzerland ayaa sheegay in eedeymaha ka dhanka ah Rifaat al-Asad ay la xiriiraan doorkii uu ku lahaa dagaalkii u dhexeeya ciidamada Syria iyo mucaaradkii Islaamiyiinta horaantii 1980-yadii, xiligaas oo mucaaradka isku dayeen af-gambi.

Ninkan adeerka u ah madaxweynaha dalka Syria ayaa beeniyay eedeymaha isaga ka dhanka ah, waxa uuna sheegay in aysan jirin wax dambi dagaal iyo dhibaatooyin kale uu geestay, ayna tahay kiiskiisa mid siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Galmudug oo ansixiyey shan degmo oo cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Erdogan oo saddex arrin oo muhiim ah kala hadlay Madaxweyne Trump

Cabdi Cade

Masar oo weli ku dhegan Markabkii lixda Maalmood xanibay Kanaalka Suweys

Caydiid Ali
Taboola Ads ---