Allbanaadir.com
NEWS

Yuusuf Dabageed oo guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Hirshabelle Hay’addaha UN-ka (Sawirro)

Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta shir-guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Hirshabeelle iyo Hay’addaha UN-ka ee ka shaqeeyo arrimaha gargaarka bini’aadanimo.

Shirkan waxaa goobjoog ahaa Wasiirrada dowladda Hirshabeelle ee wada shaqeynta la leh Hay’addaha UNOCHA iyo WFP, guddoomiyaha cusub ee gobalka Shabeellada Dhexe iyo guddoomiyaha degmada Jowhar, waxana diirrada lagu saaray sidii dhinacyada u dardar-gelin lahaayeen howlaha wadajirka ee ka dhaxeeyo.

“Dhankeenna wada shaqeyn hufan ayaa naga diyaar ah, waxaan rajeynayaa in kulankan kaddib si wadajir ah loo wajaho howlaha dhammaanteen hor-tebinta inoo leh, mana aqbali karno in shaqadda ay dhaqaaqi weyso.” ayuu yiri Yuusuf Dabageed

Ugu dambeyn ku-simaha madaxweynaha maamulka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa bogaadiyay masuuliyiinta ka kala socotay UNOCHA iyo WFP, kuwaas oo Jowhar u tagay shirka labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor arrimo kala duwan kala hadlay Catriona Laing (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay weerarkii ka socday Hotelka Xayaat iyo sida hada xaal yahay

Cabdi Cade

(Sawirro) Villa Somalia oo faahfaahin ka bixisay kulankii Farmaajo iyo Erdogan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---