Maamulka Somaliland ayaa ugu baaqday dawladaha reer galbeedka inay xal u helida xasaradaha ka taagan badda cas iyo gacanka cadmeed kala tashadaan maamulada gobolka ku yaalla oo ay ka mid tahay Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta, iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka kaga dalbaday reer galbeedka in ay kala tashadaan maamulkooda dhibaatada ka jirta caganka cadmeed iyo badda cas.
“Dawladaha reer galbeedku ma keenaan xal, isla markaana lama tashadaan dadka aqoonta u leh xaaladda. Sidoo kale mararka qaarkood way uga sii daraan xaaladdu siday ahayd markii hore” ayuu yiri Wasiir Cali Mareyxaan.
Waxa uu sheegay wasiirka Warfaafinta Somaliland in xiisadaha iyo xasaradaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed aan lagu furdaamin karin duqaymaha gantaallo lagu bar tilmaameedsado meelo si aan kala sooc lahayn.
Kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo kamid ah dalka Yemen ayaa duqeymo iyo afduub ka dhan ah maraakiibta reer Galbeedka ka wada badda cas iyo gacanka cadmeed, waxa ayna taasi keentay in Mareykanka iyo dowlado kale duqeymo la eegtaan kooxdaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com