Allbanaadir.com
NEWS

Dal Afrikan ah oo dadkiisa lacag la’aan uga dhigaya Korontada iyo biyaha ay isticmaalaan

Qaar kamid ah dadka danta yar ee kunool qaarada Afrika ayaa dhibaato badan ku qaba helitaanka biyo iyo koronto, waxa ayna taasi keentay in dadkaasi u dhibtoodaan sidii ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah iyo koronto ay isticmaalaan.

Dalka Chad ayaa hadda qaadaya tallaabo si weyn usoo dhaweeyeen dadka kunool dalkaasi, kaddib markii dowladda ku dhawaaqday in koronto iyo biyo lacag la’aan ah ay siineyso dadka kunool dalkaasi.

Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa lagu shaaciyay in lacag la’aan biyaha iyo korontada dadka reer Chad lagu siin doono ilaa dhammaadka sanandkan, waxaana si weyn uga faa’iideysan doono deeqdan dadka danta yar ee ku adkeyd helida biyo iyo kotonto.

Dowladda ayaa qoyskiiba u qoondeeysay 15,000 liitar oo biyo ah iyo 300 kWh oo koronto ah. Waxa ay sidoo kale dowladdu sheegtay in daynta laga cafin doono dadka dan yarta ah ee lagu leeyahay lacag biyo ama koronto.

Tallaabadan uu ku dhawaaqay hoggaamiyaha dalka Chad Mahamat Déby waxaa si weyn usoo dhaweeyay dadka reer Chad , waxaana jira dad kale yar oo tallaabadan ku tilmaamay mid hoggaamiyaha ku doonayo in kalsoonida shacabka reer Chad ku hanto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fahad Yaasiin oo ka hadlay go’aankii ay Maxkamadda sare ku diiday dacwadiisa (Akhriso)

Caydiid Ali

Masiibo kale oo ku habsatay dekeda Beirut ee dhowaan qaraxa ku burburtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Iran oo argagax ka qaaday waxa ka socda Waqooyiga Suuriya iyo Araghchi oo Turkiga tagaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---