Allbanaadir.com
NEWS

Mid ka mid ah dowladaha caalamka oo dhaqan gelisay sharci ka dhan ah Baraha bulshadda

Jarmalka ayaa billaabaya dhaqangalinta sharciga baraha bulshada ka dalbanaya in ay si degdeg ah uga saaraan hadallada nacaybka, wararka been abuurka ah iyo waxyaabaha kale ee sharci darrada ah.

Sharcigan ayaa shirkadaha baraha bulshada ku qasbaya in ay si degdeg ah wax ooga qabtaan dacwadaha waxyaabaha sharcidarrada ah.

Baraha aan tirin waxyaabaha ay iska caddahay inay sharci darro yihiin ayaa wajahaya ganaax lacageed oo gaara 50 milyan oo Euro.

Sharcigan ayaa baraha siin doona muddo 24 saac ah si ay u tiraan waxyaabaha aan sharciga waafaqsanayn ee la soo galiyay.

Baraha bulshada iyo warbaahinnada kale ee ay ku xiran yihiin in kabadan labo milyan ayuu sharcigani qaban doonaa.

Facebook, Twitter iyo YouTube ayaa ah ku uu sharcigani diiradda saaro waxayse u badan tahay in uu qaban doono Reddit, Tumblr iyo barta bulshada ee Ruushka ee VK. Shirkadaha kale ee Vimeo iyo Flickr ayaa laga yaabaa in uu qabto iyagana.

Sharciga (NetzDG) ayaa la meelmariyay dhamaadkii bishii Juunyo ee 2017kii, wuxuuna dhaqan galay horraantii bishii Oktoobar, balse baraha bulshada ayaa la siiyay tan iyo dhammaadkii 2017kii si ay ugu tabaabushaystaan sharcigan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulkii magaalada Baydhabo oo xilka laga qaaday iyo Maamul cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

ICRC oo shaacisay tirada Maxaabiista Somaliland looga hayo Dagaalka Laascaanood

Cabdi Cade

Kenya Airways oo bilaabeysa Duulimaadkii Nairobi iyo Muqdisho & qiimaha tikirka oo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---