Allbanaadir.com
NEWS

Ciidan cusub oo sugaya amniga magaalada Muqdisho oo la dhaariyay (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayay ciidan cusub oo ka mid noqonaya booliiska Soomaaliyeed oo shalay tababar loogu soo xiray dugsiga tababarka ee Jeneraal Kaahiye.

Munaasabada dhaarinta ciidankan cusub ee kamid noqonaya booliiska waxaa ka soo qeyb galay taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/guuto Zakiye Xuseen Axmed iyo Saraakiil kale oo ciidan.

Ciidankan ayaa kamid doonaan ciidamada nabad ku Afur ee ka howlgalaya Muqdisho, ku waa oo kaalin buuxda ka qaadan doono sugidda amniga caasimadda inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana ciidankan cusub ee tababarka loo soo xiray kaalin weyn ka qaadan doonaa sugida amniga caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqor Buur-madow oo Hargeysa lagu xiray & Booliska Somaliland oo war ka soo saaray

Caydiid Ali

Qaar kamid ah xildhibaanadii Ahlu Sunna oo go,aankoodii badalay iyo Wararkii Ugu dambeeyay

Cabdi Cade

Tirada Wariyaasha lagu dilay Caalamka 20-kii sanno ee lasoo dhaafay oo la shaaciyay iyo Soomaaliya oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---