Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Golaha Wakiillada Puntland oo ansixiyay golaha cusub ee Wasiiradda iyo Madaxweyne Deni oo…

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta horgeeyay Golaha Wakiillada Puntland, Xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xukuumadda .

Madaxweynuhu wuxuu Golaha la wadaagay qorsheyaasha xukuumadda oo ay sal u ahaayeen Amniga, Garsoorka, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda , wuxuuna ka codsaday Xildhibaanada Golaha Wakiillada in ay ansixiyaan xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada oo lagu soo xulay aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda.

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada ka dhegaystay Aqoontooda iyo khibradooda shaqo, kadibna waxay ku ansixiyeen cod aqblabiyad ah iyadoo 54Mudane oo kulanka joogay dhammaan gacanta u taageen ansixinta xukuumadda cusub, sidoo kale waxaa uu Baarlamaanku ansixiyey qorshe Siyaasadeedka xukuumadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ansixinta xukuumadda kadib u mahadceliyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, wuxuuna la wadaagay in la xoojin doono wadashaqeynta Goleyaasha Dowladda, si loo horumariyo adeegyada Dowladnimo ee loo hayo Shacabka Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxaa munasabadda kala qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xildhibaanadda Golaha Wakiillada, Xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada, Golaha Garsoorka, saraakiil Madaxtooyo iyo martisharaf kale.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Related posts

Spain: Safiirkii u horeeyey Falastiin oo warqadaha laga gudoomay

Caydiid Ali

Habraaca Doorashada Saddex Kursi oo mid kamid ah loo xiray Sheekh Shariif oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal culus oo ka dhacay Deegaanka Nuur Dugle iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---