Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo isaga baxay magaalo qabsashadeeda dhib badan ay ka maraeen

Wararka ka imaanaya magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw isaga baxeen ciidankii dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee magaaladaasi  ku sugnaa.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa faarujiyay magaalada oo bilooyin kahor laga saaray Al Shabaab, waxaana dadka deegaanka mar qura indhaha ka qaadeen ciidanka oo agabkooda magaalada kasii qaadanaya.

Ciidanka isaga baxay magaalada Bacaadweyn ayaa la sheegay in ay  isugu tagay aagga deegaanka Laas-gacameey oo katirsan koonfurta gobolka Mudug, deegaankan ayaana sidaa uga fogeyn Bacaadweyn.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa horey uga baxay deegaannada Caad iyo Camaar , waxaana deegaanadaasi la sheegay in ay dib ugu laabteen kooxda Al Shabaab oo horey looga saaray.

Magaalooyinkan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka sida fudud uga baxeen ayaa qabsashadooda dhib badan ka mareen ciidanka huwanta ah , waxaana ciidanka howlgalkaasi kaga geeriyooday askar badan iyo saraakiil ciidan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Guddiga Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed oo la magacaabay(Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

(Akhriso) Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta Guddoonka Baarlamanka Galmudug

Caydiid Ali

Guddiga Doorashooyinka Heer Federal oo guddoomiye rasmi ah doortay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---