Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laami Muqdisho ku yaalla oo laga sameeyey Nadaafad aan horey loo arag (Daawo Sawirro)

Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho oo ah mida ugu mashquulka badan magaalada ayaa waxaa xalaya saqdii dhexe laga sameeyey howlo nadaafadeed.

Waaxda howlaha guud ee gobolka Banaadir ayaa fulisay howshan nadaafadeed oo nooceeda aan horey arag.

Howlaha Nadafaadeed ee ka socday wadadaas ayaa isugu jiray dhaqida laamiga iyo ka qaadida ciida iyo qashinka, kuwaasoo ka duwan howlihii nadaafadeed ee horey looga fulin jiray wadadaas oo ku koobnaa xaaqida.

Lama oga sababta howshan ay noqon doonto mid joogto ah iyo in kale, waxaana shacabka qaarkood ay isla dhexmarayaan in laga yaabo wufuud caalami ah magaalada iney ku soo fool leedahay sidaas awgeedna loo nadiifinayo wadada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA oo howlgal ku dilay in ka badan 25 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Wefdi ka socday Boqortooyada Sacuudiga oo soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Weji cusub lasoo baxay kana digay dib u dhaca Doorashada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---