Allbanaadir.com
NEWS

Yuusuf Madaale oo soo saaray amarro ka dhan ah maqaayadaha iyo Hoteelada Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo saaray amarro lagu xirayo maqaayadaha iyo sidoo kale hoteelada kuyaalla Muqdisho, xilliyada maalintii ah inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaale ayaa sheegay in mamnuuc tahay in magaalada lagu arko maqaayad ama hoteel lagu iibiyo raashin oo furan xilliyada maalintii ah, waxa uuna sheegay in kaliya goobahaasi fasax u yihiin iibinta raashinka habeenkii.

Duqa Muqdisho ayaana ugu hanjabay maqaayadaha iyo hoteelada jabiya amarka uu soo saaray in laga qaadi doono ruqsada ay ku shaqeestaan, waxa uuna sheegay in lala socon doono kuwa jabiya amarka ay soo saareen.

Waxa uu sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir joojiyay in hoteelada magaalada Muqdisho lagu qabto xafladaha arooska ee lagu gaaro waqtiga dambe, waxa uuna sheegay in xaflad sii socon karin waxii ka dambeeya 12:30 daqiiqo saqda dhaxe.

“Hoteel furnaan kara ma jiro wixii ka dambeeya 12:30 habeenimo, gabdhaheena waxa fasahaadiyay waa aroosyada waaga loogu diirayo” ayuu yiri guddodomiye Yuusuf oo intaa ku daray “Hadii maqrib ilaa 12-ka habeenimo kuugu filneyn aroos ma ahan ee iska daa wax kale ayaa ku hoos jira” ayuu yiri Yuusuf Madaale.

Bisha Ramadaan inta lagu jiro waxaa la xiraa inta badan maqaayadaha waa weyn iyo hoteelada lagu iooniyo raashinka nuucyadooda kala duwan xilliga maalintii ah, waxaasa jira maqaayado yar yar oo ay isugu tagaan kooxaha masoomayaasha ah kana helaan raashin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fannaanad caan ah oo isaga baxday Fanka kaddib geerida labo wiil ay asxaab ahaayeen

Cabdi Cade

Isbitaalka Takhasusiga ee Kalkaal oo fulinaya Qaliino loo adeegsanayo Leesar

Cabdi Cade

Daawo Sawirada :Kormeerkii Madaxweyne Farmaajo maanta ku tagay Deegaanka Sabiib

Cabdi Cade
Taboola Ads ---