Allbanaadir.com
NEWS

Guddi loo saaray hir-gelinta Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya oo tagay xeebaha Owdal (Sawirro)

Guddida farsamo ee maamulka Somaliland u qaabilsan hir-gelinta heshiiska isfaham (MOU) ee Somaliland iyo Ethiopia, ayaa safar ku tagay xeebta galbeed ee Somaliland iyo qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka Awdal.

Guddiga Farsamada heshiiska Isfaham, ayaa safar waxa ay ku tageen magaalada Lughaya oo ay ka sameeyeen indho-indhayn iyo xog-ururin, iyagoo la kulmay odayaasha iyo qaybo ka mid ah bulshada oo ay la yeesheen xog-waraysi.

Waxa ay guddiga qiimeyn ku sameenayeen goobaha ay u arki karaan in badda Soomaaliya laga siin karo Itoobiya, waxa ayna dadka ay la kulmeen u sharaxayeen faa’iidooyin ay sheegayeen in ay ugu jirto heshiiska iyo in Ethopia la siiyo qeybo kamid ah xeebaha dalka.

Sidoo kale, guddidu waxay shalay  booqdeen magaalooyinka Boorama iyo Dila ee Gobolka Awdal, halkaas oo ay kulamo kula qaateen odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ku dhaqan magaalooyinkaasi.

Guddiga ayaa dadka ay la kulmeen warbixinno ka siiyeen hawsha shaqadooda ee la xiriirta heshiiskii isfaham ee 1dii January 2024 dhexmaray  Somaliland iyo dawladda Itoobiya iyo sida dhakooda uga go’an tahay hir-gelinta heshiiskaasi oo si weyn loo diidan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaybta 2 aad :-Qisadii cajiibka aheyd ee Nebi Ibraahim CS iyo qoomkii loo diray

admin

Xarunta Daryeel Bank ee Magaalada Muqdisho oo maanta si rasmi loo daahfuray (Sawiro)

admin

Shirkad dayuuradeed oo balan-qaad aan caadi aheyn u sameysay Macaamiisheeda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---