Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo xaqiijisay iney dhalatay bisha Ramadaan, berina la soomayo

Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta ee Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambayn goor dhow xaqiijisay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan

Culumaaudiin Soomaaliyeed ayaa dhaariyay nin lagu magacaabo Jamal Axmed Mayow oo Jooga degmada Ow dheegle ee gobolka Sh/hoose kaasoo sheegay inuu isagu bisha indhihiisa ku arkay.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed oo kulanka dhaarinta goobjoog ka ahaa ayaa ku dhawaaqay in berri ay tahay maalinta koowaad ee Soon-qaad.

Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyey in Isniinta berri ee 11-ka Maarso ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii dad meela kala duwan jooga ay sheegeen inay arkeen bilashada bisha.

“Dowlada Somalia waxay xaqiijineysaa in beri ay tahay Maalinta koowaad ee busga Ramadaan” ayuu yiru Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowlada Somalia Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.

Maamulada dalka gaar ahaan Somaliland, Hirshabelle, Koonfur galbeed, Jubbaland iyo degaanada Al shabaab ayaa laga shaaciyey iney beri tahay Soon

Hase ahaatee Maamulka Puntland ayaa shaaciyey in beri ay tahay 30ka shacbaan ka dib markii la arki waayey bisha Ramadaan sida ay sheegtay Wasaaraddu caddaladda, Dastuurka ee Puntland

“Waxay Wasaaraddu caddaladda, Dastuurka,Arrimaha diinta iyo dhaqancelinta dowlada puntland ku wargalineynaa Bulshada somaliyeed, gaar ahaan  bulshada Puntland in aan lahayn wax arkey dhalashda Bishii Ramadaan, Bari oo Isniin ah kuna beegan 11 March, 2024 ay tahey 30 Bisha Shacbaan, sidaas darteed Bari ma ahan Soon. Waxaan la xariirney culumo badan oo kala jooga dhammaan Degmooyinka Puntland, Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia, lamana hayo wax sheega dhalashada Bisha Ramadaan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada

Related posts

Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir oo ku dhaawacmay Weerarkii Hotel Xayaat

Cabdi Cade

Xildhibaan qasab loogu gacan geliyey Maxkamada dembiyada ICC (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Walaalo 31 sano u xirnaa dembi aysan gelin oo la siiyey $70 Milyan oo dollar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---