Allbanaadir.com
NEWS

Kismaayo: Xukun dil ah oo lagu riday shan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku ridday shan nin oo ka tirsanaa Al-shabaab. kuwaasoo dilal qorshaysan ka gaystay magaalada Kismaayo.

Ragga maanta la xukumay ayaa sidoo kale Al-shabaab kala shaqaynayay soo galinta hubka lagu laynayo shacabka magaalada Kismaayo ee aan waxba galabsan.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo ku dhawaaqay xukunka nimankan ayaa sheegay in tani ay tahay natiijada ka dhalatay falalkii arxan darro ee ay ka shaqaynayeen.

Raggan ayaa dhegeysiga dacwadooda waxaa ay maalmahan ka socotay Magaalada Kismaayo, waxaana ku jira ragga dhalinyaro da’doodu ka hooseyso 20 san jir.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo dhabarka ka jabiyay Xil: Fowsiyo Xaaji oo u sharaxneyd xilka Guddoomiyaha…

Cabdi Cade

Ciidanka Danab oo Al-Shabaab kala wareegay degmada Xagar oo ku dhow Bu’aale (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---