Allbanaadir.com
NEWS

Xarun talis cusub oo loo dhisayo ciidanka Dhulka oo maanta la dhagax-dhigay (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin  ayaa Maanta dhagax-dhigay xarunta taliska ciidanka dhulka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ka hadlay Munaasabada dhagax-dhiga ayaa sheegay in xaruntan cusub ee la dhisayo qeyb weyn ka qaadan doonto howlgallada iyo isku xirka ciidanka xoogga dalka.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidanka dhulka ay yihiin kuwa ugu shaqada badan ciidanka milatariga, waxa uuna xusay in taliska cusub ee dhismihiisa la bilaabayo uu qeyb weyn ka qaadan doonto daboolida baahiyaha ciidnka.

Wasiirka Gaashandhigga XFS  Mudane,Cabduqaadir Maxamed Nuur  ayaa dhankiisa sheegay in xaruntan ciidanka loo dhisayo lagu dhisayo is-xilqaan, waxa uuna xusay in dhismaha xaruntan ay muhiimad gaar ah u leedahay ciidanka dhulka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaaladii uu ka soo bilowday Coronavirus oo xanibaada laga qafiifiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu Madaxweyne Cali Guudlaawe kala hadlay wakiilada C6+? (Sawirro)

Caydiid Ali

Cabdikariin Qalbi-dhagax oo booqanaya labo ka mid ah dowlad goboleedyada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---