Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo qabtay Hoobiyaal badan oo lagu dhibaateyn lahaa Shacabka Muqdisho (Sawirro)

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho qeybo kamid ah , waxa ay kusoo qabteen tiro badan oo hoobiyaal ah oo lagu qariyay dhulka hoostiisa.

Qabashada iyo helitaanka hoobiyaashan ayaa timid kaddib markii xalay labo hoobiye lagu tuuray qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxa ayna booliiska howlgalka ay sameeyeen ku heleen madaxyada hoobiyaal badan oo Al Shabaab qarsadeen.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay howlgalka booliiska sameeyeen in lagu soo qabtay 140-xabo oo ah madaxyada hoobiyaasha loo adeegsado iyo sidoo kale sameynta qaraxyada.

Waxa uu sheegay afhayeenka booliiska in kooxda Al Shababa madaxyada hoobiyaasha ee la qabtay doonayeen in ay dadka shacabka ku dhibaateeyaan, sidoo kale ka sameeyaan qaraxyo dhiig badan ku daato.

Al Shabaab ayaa marar badan madaafiic ku garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, madaafiicda qaar ayaana marar badan waxyeelo gaarsiisay dad badan oo shacab ah oo guryahooda ku habsadeen madaafiicda lasoo tuuray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin ku lug lahaa Weeraradii ka dhacay Paris sanadkii 2015 oo lagu qabtay Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

C/wali Gaas oo Madaxda dowlad goboleedyada iskugu yeeray shir deg deg ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlad kale oo aqbashay markab siday muhaajiriin Talyaaniga u diiday dalkiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---