Allbanaadir.com
NEWS

Nin Somaliland ugu yimid sidii uu ugu biiri lahaa Al Shabaab oo la qabtay xukuna lagu riday

Maxkamadda derajada koobaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Axmed Barre Maxamuud Guuleed, oo la qabtay xilli uu kusii jeeday deegaannada Al Shabaab maamulaan , si uu ugu biiro kooxdaasi.

Ninkan ayaa kasoo ambo baxay deegaanka Gar-Adag oo ka tirsan gobalka Sanaag uu asal ahaan kasoo jeedo, waxa uuna kusii jeeday degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhaxe, halkaas oo Al Shabaab u ah xarun weyn ay tababar ku siiyaan dadka kusoo biira.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ku biirista Al Shabaab ninkan ku tashkiiliyay nin lagu magacaabo Aadan Yaroow oo ay isla ahaayeen Reer Gar-adag balse jooga Jilib, isagoo u sheegay in uu maalintii mushaar ahaan u qaadan doono lacag dhan Malyan iyo Shan Boqol oo Shilling Soomaali ah (1,500,000Sh Somaali ah), bishiina uu qaadan doono $1,200 Dollar uuna la shaqeyn doono Maleeshiyada.

Waxaa lagu soo xiray Nin ganacsade ah oo Bakhaar bagaashka lagu iibiyo kuleh magaalada Burco, laguna magacaabo Axmed, kaas oo soo saaray gawaarida soo aada Buuhoodle, si uubuhu soo gudbo Koonfurta Soomaaliya.

Ninkan ayaana maamo kaddib soo galay magaalada Muqdisho uu damacsanaa in uu kaga sii gudbo Jilib, hasa ahaatee waxaa lagu qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha xilli uu bilaabayay safarkiisa ku biirista Al Shabaab iyo aadista Jilib.

Ciidanka Qarsoon ee NISA ayaa ka soo xiray Ceelasha Biyaha, lix iyo labaatankii bishii November ee Sanadkii tagay. Baaris dheer kadib xafiiska xeer Ilaalinta maxkamadda ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada  qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Axmed Barre Maxamuud Guulled , 5 Sano oo xabsi ciidan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Feysal Cali Waraabe oo Farmaajo ku eedeeyey inuu wado qorshe halis ku ah Somalia

Caydiid Ali

Tuugsadaha ugu lacagta badan Adduunka iyo tirada lacagta uu heesto oo la ogaaday !

Cabdi Cade

Kim John Un oo xukun daldalaad ah ku fuliyey 30 Sarkaal

Caydiid Ali