Waxaa saakay aroortii hore dab dhaliyay khasaaro badan uu ka kacay qeybo kamid ah suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana markii dambe daminta dabkaasi ku guuleestay gaadiidka dab-damiska oo gurmad u yimid suuqa.
Dhismayaal ganacsi ayaana ku basbeelay dabka saakay aroor hore ka kacay qeybo kamid ah suuqa Bakaaraha, waxaana jira goobo kale oo ganacsi oo dadkii lahaa alaabahooda si dirqi ah qaarkood uga baxsadeen.
Guddoomiye kuxigeenka amniga ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yabooh oo tagay suuqa dabku ka kacay ayaa ku eedeeyay falkaasi in ay ka dambeeyeen kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ee diidan dowladnimada Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Yabooh in dabka uu ka dhashay qarax nuuca miinada ah oo la dhigay aaga uu dabku ka kacay, waxa uuna xusay in miinada lagu qarxiyay nin waardiye ka ahaa suuqa oo arkay qaraxaasi, kaa oo damacsanaa in uu hibiyo waxa meesha la dhigay.
Yabooh ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay ninkii suuqaasi waardiyaha ka ahaa, waxa uu sidoo kale tilmaamay in qaraxa uu ka dhashay khasaaro badan oo hantiyadeed uusan sheegi karin xilligan inta ay la egtahay.
Guddoomiye kuxigeenka ayaa ku eedeeyay kooxaha argaxisada ah in ay yihiin kuwa aan marnaba u naxeyn dadkooda lana daba taagan dhibaato, waxa uuna sheegay in qaraxan uu daba socdo kii isbuucyo kahor ka dhacay Bakaaraha ee dadka badan ku dhinteen.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aadan dabka saakay ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha iyo khasaaraha uu reebay, waxa ayna si hor dhac ah dabkaasi ugu eedeeyeen kooxaha dowladda kasoo horjeeda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com