Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa si kulul uga hadlay howlgal dhimasho iyo dhaawac sababay oo Ciidamada Booliska shalay ka sameeyeen xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Howlgalkan ayaa waxaa hogaaminayey ku-xigeenka dhinaca Amniga ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Tuulax, Taliyaha booliska Gobolka Saadaq Joon iyo Qaasim Rooble oo ah afhayeenka Booliska, waxaana lagu burburiyey dhismayaal iyadoo dagaal dhexmaray ciidamada iyo dadka degaanka.
Wasiirka Amniga ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah ehelada dadkii dhibaatada kasoo gaaray howlgalkaasi oo looga burburiyey goobo ganacsi iyo dhismayaal kale, wuxuuna caddeeyay inuusan raali ka eheyn wixii ka dhacay Xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir.
Ciidamada Booliska iyo Dabley hubeysan oo ka mid ahaa dadkii lahaa goobaha la burbirnayey ayaa dagaal mudo kooban socday uu dhex maray, waxaana ku dhintay laba qof oo labada dhinac kala ah iyo dhaawaca dadka kale oo u badan dadka degaanka kuwaasoo xalay ciidanka boolisku kala baxeen isbitaalka Madiina, waxaana arintaas ka dhashay caro badan.
“Caddeymo ayaan raadin doonnaa, Gaal iyo Muslimba waxey qabaan qofka dhaawaca ah in la daaweeyo, Shabaab hadduu yahay xitaa, Tallaabo ayaan arirntaasi ka qaadi doonaa, wixii dhacayna waa la dabageli doonaa” ayuu yiri Wasiir Islow oo la hadlayay ehelada waxyeeladu soo gaartay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com