Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamanka DF oo ka dooday qodobo ka mid ah Cutubka 3-aad ee dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 23-aad kalfadhiga 4-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka Guddoomiyaha waxaa ku weheliyay Ku-xigeennada Labaad Aqal.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, Cutubka 3-aad qodobadiisa 42-aad illaa 47aad.

Xildhibaannada iyo Sanatarrada ayaa ka dooday sii wadida dhameystirka cutubka saddexaad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya dhulka, hantida iyo deegaanka, waxayna mudanayaasha labada gole dood iyo aragtiyo wax ku ool ah ku biiriyeen wax ka beddelka Dastuurka gaar ahaan cutubka 3-aad oo maanta dooddiisa la soo gabagabeeyay.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in dooda cutubka sedexaad lasoo gabagabeeyay isla-markaana la bilaabi doono cutubka afaraad.

Related posts

Wasiirka Difaaca oo la dardaarmay Saraakiisha ciidan loo diyaariyey dagaal (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo safar deg deg ah ugu ambabaxay Magaalada Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynaha Somalia & dhigiisa Miguel Diaz-Canel oo khadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---