Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Wasiir C/qaadir kala hadlay Sii-hayaha danjiraha Maraykanka ee Somalia?

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya mudane Shane L. Dixon.

Kulankan ayaa looga hadlay  dadaallada DFS ee dagaalka ka dhanka ah al shabaab, hirgelinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Qorshaha ATMIS.

Wasiirka ayaa Danjiraha kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee horumarinta nabadda & amniga Soomaaliya ee ay dowladda Mareykanku la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya mudane Shane L. Dixon ayaa dhinaciisa sheegay in dowladiisu sii wadeyso taageerada milateri ee ay siiso ciidanka Xoogga dalka, isagoo dowlada Somalia ku amaanay sida ay go’an tahay in la ciribtiro al Sbabaab.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha taageerada weyn ka siiyo dowlada Somalia gaar ahaan dhinacyada taakuleynta, tababarada ciidamada, Saadka iyo dhinaca howgalada ka dhanka ah Al shabaab.

Related posts

Madaxweyne Macron oo la hadlay Abiy Baaqna kasoo saaray Dagaalka Tigrey ka socda

Cabdi Cade

Halkee ku dambeeyey Mukhtaar Roobow oo xarigiisa ay sanad ka soo wareegtay?

Caydiid Ali

Siciid Deni oo Garawe kasoo sagootiyay Madaxweyne Xasan Sheekh (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---