Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin iyo Taliyaal maanta dhiiro-gelin ugu tagay ciidanka Haramcad (Sawirro)

Gudomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kulan qado sharaf iyo dhiiragelin ah la qaatay ciidamada Boliiska sida gaarka u tababaran ee Haramcad.

Munaasabadda oo inteeda badan ahaa dhiiragelin iyo dar-daaran ku aadan sugida Amniga iyo La-dagaalanka Khawaarijta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay Turkiga ee ku sugan Muqdisho iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa todobaadyadii ugu danbeeyay ku howlanaa kulamo ay la qaadanayaan qeybaha kala gedisan ee Ciidamada si loo dar-dargeliyo Amniga Caasimadda isla markaana loogu diyaar garoobo Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Related posts

War- Murtiyeed laga soo saaray Shir Muqdisho uga socday DF iyo dowlad goboleedyada

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay in weerar qorsheesan ku dileen 9-qof oo Kenyan

Cabdi Cade

Sambaloolshe oo arrin culus ka dalbaday odayaasha gobolka Hiiraan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---