Allbanaadir.com
NEWS

Kulankii lagula xisaabtami lahaa Wasiir Fardowsa Cigaal oo la baajiyay iyo Xamse oo …

Waxaa la baajiyay kulan lagu waday in beri xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kula xisaabtami lahaayeen wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Xil Fardowsa Maxamed Cigaal.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa horey loogu war-galiyay in kulanka Axada su’aalo ku aadan qalalaasihii garoonka Aadan Cadde ka dhacay ee ka dhashay lacagta rakaabka lagu soo rogay lagu weediinayo wasiirka Gaadiidka iyo Duuliista Hawada  .

Qoraal kale oo maanta loo diray xildhibaanada golaha Shacabka ayaa lagu war-galiyay in la baajiyay kulankii wasiirka Gaadiidka su’aalaha lagu weydiin lahaa, loomana sheegin xildhibaanada sababta loo baajiyay kulanka.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in dadaalo si wadajir ah u sameeyeen Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu baajiyay kulanka berri, si looga hortago su’aal weydiinta Wasiirada.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaana la sheegay in dedaal badan galiyay sidii loo baajin lahaa in wasiirka la horgeeyo golaha shacabka ayna weediiyaan su’aalo fashil keeni kara oo la xariira khalalaasihii maalmo kahor ka dhacay garoonka.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa in shirkad gaar ah siisay in ay aruuriso xogta rakaabka garoonka ka baxaya iyo kuwa kasoo degaya, iyadoona shirkadaasi qofkiiba ka qaadeyso lacag dhan 9-dollar , taas oo cabasho ka keeneen rakaabka iyo shirkadaha diyaaraha .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay War-murtiyeedkii kasoo baxay Waddamada G7

Cabdi Cade

Somalia oo ka qeyb galaysa shir caalamiga ah ee dalalka Afrika & Talyaaniga (Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar lagu qaaday Guri uu degan yahay Xildhibaan katirsan BF iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---