Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo War kasoo saaray geerida Bashiir Axmed Kacaan

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo saakay ku geeriyooday Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka ku sifeeyey muwaadin naftiisa iyo waqtigiisa u soo huray dalkiisa, isla markaana ahaa hawlkar waddankiisa wax badan ugu qabtay aqoontiisa

“Alle waxaan uga baryayaa in uu naxariistii Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyska iyo ehellada uu ka tegeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo muddo dheer u soo shaqeynayey dowladnimada Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaa uu ahaa Lataliye Sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo 2013 ilaa 2023 ahaa Agaasinka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, muddadaas oo uu ugu adeegayey dalkiisa, aqoontiisa iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay dowladnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Xaamilo aheyd oo loo dilay Sooryo laga dhiibi waayay Owgeed (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo xalay weerar dhowr jihop ah kusoo qaaday degmo katirsan Muqdisho

Cabdi Cade

17 ka mid ah shaqaalihii ku sugnaa Otto otto oo xubno isku mid ah ka dhaawacmay (Akhriso Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---