Ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa shaaciyey lacag been abuur ah oo lagu qabtay garoonka magaalada Muqdisho.
Lacagtan oo ah nooca la dhaqo ayaa isugu jirtay Dollar iyo euro, waxaana war ay faafisay NISA lagu sheegay in shaqsiga lagu qabtay markii gacanta lagu dhigay 18-kii bishan Oktoobar, kadib baaritaan iyo dabagal la sameeyay la soo qabtay koox isku xiran oo howshan ku lug laheyd.
“Khamiistii hore oo ku beegnayd 18/10/2018, ciidanka amniga ayaa madaarka Muqdisho waxay ka soo qabteen shakhsi la dhoofayay lacag been abuur ah oo isugu jirta dollar iyo Euro. Lix saac kadib, magaalada daafaheeda ayaa laga soo qabtay shabakadii oo dhamaystiran…” ayaa lagu yiri warka NISA ay soo saartay.
Dhowaan ayey aheyd markii sidan oo kale NISA ay shaacisay iney qabatay shabakad kale ooku howlaneyd dollarka madow ee la dhaqo taasoo ay sheegtay inuu howlahooda u fududeyn jiray Wasiir ka tirsan Xukuumada federaalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com