Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka xoogga oo booqday xero ciidan oo dib u dhis lagu sameenayo (Sawirro)

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo uu wehliyo taliyaha ciidanka dhulka Gen, Dayax Cabdi Cabdulle ayaa booqasho ku tegay xerada ciidanka xoogga ee deegaanka Qorilloow Gobalka Shabeelaha Dhaxe.

Xeradan ay tageen taliyaasha ciidanka xoogga dalka ayaa dhawaan waxaa banneeyay ciidanka ATMIS oo horey ugu sugnaa, waxaana xerada Qoriloow la qorsheeyay in lagu sameeyo dib u dhis iyo qaabeyn cusub.

Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh ayaa kormeeray dhammaan xerada inta ay ka kooban tahay, waxuuna sheegay in dib u habeyn weyn lagu sameyn doono qeybna ay ka noqon doonto xerooyinka dib u dhiska xoogan lagu sameyn doono.

Xerada ciidanka ee Qorilow waxaa sannadihii lasoo dhaafay saldhig ciidan u aheed ciidamo katirsan howlgalka ATMIS, waxa ayna xeradan beri samaadkii ahaan jirtay goob lagu carbiyo Ciidamada milateriga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada DF Iyo kuwa Galmudug oo maanta la wareegay Saldhig Al Shabaab lahaayeen

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo xaalka ku xun yahay Olole xoogana bilaabay

Cabdi Cade

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamulka Galmudug oo xil cusub loo Magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---