Allbanaadir.com
NEWS

Iibka hilibka xoolaha oo laga mamnuucay magaalada Kampala iyo Sababta keentay

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa laga mamnuucay iibka xoolaha nuucyadooda kala duwan, kaddib markii magaaladaasi ku faafay cudur halis ah oo ku dhacaya xoolaha.

Qoraal kasoo baxay maamulka xoolaha ee magaalada Kampala ayaa lagu mamnuucay in hilibka xoolaha lagu iibiyo caasimadda ,waxaana tallaabadan lagu xakameenayaa faafitaanka xoolaha ka saameeya afka iyo cagaha.

“ Hilibka lo’da, ariga, idaha, Doofaarka iyo wax-soo-saarkooda  waa mamnuuc ilaa amar dambe, inta laga xakameenayo cudurka la arkay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay  Wasaaradda Beeraha, Warshada Xoolaha iyo Kalluumeysiga.

Dadka ku dhaqan magaalada Kampala oo aad u isticmaali jiray hilibka xoolaha nuucyadiisa kala duwan ayaa dhibaato ku qaba mamnuucida hilibka, waxaana dadka aad u iibsanayaan hilibka digaaga iyo sidoo kale malayga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada Canada oo dalkeeda ka tarxiileysa 150 qof oo Soomaali ah (Sababta)

Caydiid Ali

Maxay tahay sababta ay Al-Shabaab u gubayaan gaadiidka dhuxusha wada?

Caydiid Ali

Haweeney umul aheyd iyo labo haween kale oo ku geeriyooday guri kuyaalla Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---